
Wararka ka imaanaya Degaanka Adhicaddeeye oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku warramaya in halkaasi uu Galabta ka dhacay Dagaal u dhexeeya laba Malayshiya-beeleed.
Colaadda Labada Beelood ayaa mudda sannado ah soo jiitamaysay balse sida wararku sheegayaan Dagaalka Maanta wuxuu ka bilwoday bogcado dhul oo ku yaalla Degaanka Adhicaddeeye kadib markii ay isku qabsadeeb Malayshiyaad ka tirsan Labada dhinac.
Khasaaraha Dagaalkaas ilaa iyo haatan laga soo weriyay waa dhaawaca hal ruux iyadoo uu haatan Dagaalka joogsaday islamarkaana ay halkaas gaareen Ciidamo ka tirsan Somaliland
Gobolka Sool waxaa sannadihii u dambeeyay ka dhacayay Dagaal beeleedyo khasaare badan dhaliyay kuwaas oo dhexmaray Beelo ood wadaag ah inkastoo qaarkood markii dambe Xal Nabadeed laga gaaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.