
Xisbiga Hayaan, ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ugu soo xirmay Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Xisbiga ayaa ku baaqay in la hirgeliyo Qodobada ka soo baxay Shirkaas, gaar ahaanna Qodobka 4aad, 5aad iyo 6aad.
Sidoo kale, Xisbiga Hayaan wuxuu Guddiga Farsamada ugu baaqay in ay wakhtiga Doorashada ku jaan-gooyaan Wakhtiga kooban ee harsan.
Waxa kale oo Xisbigu soo jeediyay in Gogosha Wada-tashiga Geedd-socodka Doorashada la ballaariyo, si Go’aanada ka soo baxaa Mira-dhal u noqdaan.
Ugu dambayntii, Xisbiga ayaa ka digay aragti gaaban iyo danaysi siyaasadeed oo keena dib u dhac Doorasho.
Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.