Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Caawa magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, kaas oo ka soo tala-bixin doona Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.
Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni , ayaa lagu magacaabay labada xubnood oo kal ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle.
PUNTLAND POST