Mucaaradka oo dalbaday in laga qeybgaliyo wejiga 3aad ee Dhuusamareeb

Qaar kamid ah xisbiga mucaaradka ee ka diwaangashan Muqdisho ayaa ka hadlay qodobadii laga soo saaray shirkii Madaxda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay xisbiyada la magacbaxay Madasha Xisbiyada Qaran oo hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soonaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo dhaweeyay qodobada kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxayna si gaar ah u soo dhaweeyeen in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay iyo in lagu heshiisyo nooca doorashada.

Madasha ayaa soo jeedisay in shirka 15-ka Agoosto lagu balansan yahay Dhuusamareeb la ballaariyo oo laga qeybgaliyo saamileysa siyaasadda ee saameynta leh.

Dhanka kale xisbiyada Wadajir iyo Sahan oo ay kala hoggaamiyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iyagu war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku soo dhaweeyay qodabada shirkii Dhuusamreeb ee Madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Xisbiyada Sahan iyo Wadjir ayaa soo jeediyay in wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka noqdaan xisbiyada siyaaasadda, si geedi socodka doorshadu u miro dhalo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedyada xisbiyada.

PUNTLAND POST