Muqdisho (Faallooyinka PP) — Shirka ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul federaaleedyada wuxuu mar kale muujiyay sida aysan weli siyaasadda Soomaalidu uga gudbin isqabqabsi siyaasadeed soo noqnoqda. Waa horumar in madaxda maamul fedaraaleedyadu ku heshiyeen nooc doorasho ah. Sidee loo waafajinayaa Xeerka Doorashada? Dowladda Federaalku may laha awood ay ku laasho xeer uu baarlamaan dejiyay.
Doorashadii 2017kii dhacday waxay ku salaysnayd heshiis dhexmaray dowladdii waqtigaas jirtay iyo maamul federaaleedyada. Dowladda Federaalku way ku gacan-sayrtay soo jeedintii Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ku saabsanayd in dalku yeesho Gole Hoggaamineed oo talo-wadaag ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dooday in dalku leeyahay dowlad iyo hay’ado sharci-dejin. Maxaa loogu baahnaa sharci doorasho haddii maamul federaaledyadu la iman karaan hindise beddeli kara sharci Madaxweynuhu saxiixay? Waxaa xusid mudan in Puntland soo jeedisay tirtiridda xeerar Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ay dejiyeen sida Xeerka Qaybsiga Kheyraadka.
Shaqada u taalla Madaxweyne Farmaajo waa inuu u gudbiyo guddoonka baarlamaanka nooca doorasho oo ay maamul federaaleedyadu doonayaan. Habka doorashada ee maamul federaaleedyadu soo jeediyeen muu ku salaysna sharci oo wuxuu hay’adaha dowladda federaalka ku noqon karaa halaq-mareen.
Puntland goor hore ayay ogaatay inay si fudud in dalka ku meelgaar looga saaro u taageertay dalka oo aan diyaar u ahayn inuu ka baxo xilligii ku meelgaarka. Puntland iyo Jubbaland way ku saxan yihiin inay u ololeeyaan yaraynta awoodaha hey’adaha sharci-dejinta heer federaal; Dowladda Federaalku way ku saxan tahay inay difaacdo sharciyada Baarlamaanku ansixiyay.
Sidee loo kala saari karaa siyaasiyiin ordisiinaya dadkooda oo uu socodku dhib ku yahay? Waa su’aal Shirka Dhuusamareeb uu ku soo kordhiyay murugsanaanta siyaasadda Soomaalida.
© Puntland Post, 2020