Axmed Madoobe oo amaan iyo mahadcelin u jeediyay Farmaajo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay Khudbad kooban ka jeediyay Shirkii Dhuusamareeb ku soo xirmay ayaa amaan iyo mahadcelin u jeediyay Madaxdweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay dulqaad iyo odaynimo ka muujiyay Shirkaasi.

Madaxweynaha Jubaland waxa kale oo u mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug oo marti-geliyay Shirka waxaana uu bogaadiyay sida ay ugu guulaysteen in ay isu keeneen dhammaan Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed kuna marti-geliyeen Shirka Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Shirka si hoose loogu dhammeeyay Khilaafaadkii jiray ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inkastoo uusan faahfaahin ka sii bixin Qodobkaas.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la is wada cafiyo lagana gudbo dhammaan wixii horay u jiray si Dalka looga saaro Marxaladda uu haatan marayo.

Hoos ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST