Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii Calmiskaat

Puntland ayaa ka hadashay dagaal shalay iyo doraad ka dhacay buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari, kaas oo dhexmaray ciidmada Puntland iyo kooxda Daacish.

Ciidamada ammaanka Puntland ee PSF ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay dagaalkaas ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, uuna kamid yahay sarkaal sare oo aysan magaciisa sheegin, basle ay tilmaameen in kooxda Daacish uu u qaabilsanaa tababarada iyo xiriirka caalamka, uuna Soomaaliya joogay ilaa 2014-kii

“Ciidamda PSF waxay hawlgal ka dhacay degaanada Tuurmasaale iyo Camayra ku dileen tiro ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan saraakiil sare oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, uuna ka mid yahay sarkaal sare oo Ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacish-ta Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale, Soomaaliyana joogay ilaa 2014- kii” ayaa lagu yiri war PSF.

PSF waxay sheegtay in ay gubeen kayd weyn oo ay Daacish dhigan jireen saadka iyo sahayda, waxayna xustay inay dhankooda soo gaarin wax khasaare ah.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraleyda Calmiskaat, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo degaanadaas.

PUNTLAND POST