Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo gurmado Dadka ay saamaysay Fataahadda Webiga Shabeelle

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ka walwalsanyahay nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ku baaqay in si wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan qoysaska ay saamaysay Fatahaadda webiga Shabeelle, kuwaas oo ku dayacan Degmada Afgooye iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolkaas

Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka Degaanka taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee deegaannada Afgooye.

PUNTLAND POST