Khasaraha ka dhashay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Daacish

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo gelinkii hore ee Shalay ka dhacay Degaanka Timirshe oo hoosyimaada Degmada Isku dhuban ee gobolka Bari kaas oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda Daacish.

Dagaalka aya yimid kadib markii cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ay weerar qorshaysan ku qaadeen goob ay isku urursanayeen kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleeyda Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo kooxdu ku dhuumaalaystaan.

Ilo wareedyo dhanka Ciidanka ah waxay Puntland Post u sheegeen in 8 xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay Dagaalkii Shalay islamarkaana lagu burburiyay laba gaari oo ay wateen kooxda inkastoo ay ka gaabsadeen haddii uu jiro khasaare dhankooda gaaray.

Marka laga reebo Xogta ay Saraakiishu bixiyaan waxaa adag in xog sugan laga helo Dagaallada dhexmara Ciidamada Difaaca Puntland iyo Kooxda Daacish oo inta badan ka dhaca dhul Buuraley ah oo cidlaa.

PUNTLAND POST