Kulankii Maanta oo Arbaco ah ay yeesheen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan,waxaana goobjoog ahaa 142 xildhibaan.
Xildhibaanada ayaa dood dheer kaddib u codeeyay wax ka bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka waxaana ogolaatay 137,waxaa diiday 3, halka 2 xildhibaan ay ka aamuseen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu ansax yahay.
PUNTLAND POST