DFS OO $500,000 u qorshaysay fatahaada Afgooye

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Nus malyan doolar u qorshaysay fatahaada degmada Afgooye.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre faray Wasaaradda Maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in amarkan uu daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagtan oo loogu gurmanayo kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado daran ka geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana fatahaadahaas ku barakacay kumannaan qoys.

PUNTLAND POST