Xildhibaan Siibed oo loo doortay Guddoomiye urur siyaasadeed

Mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibed) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Maxamed Siibed oo horey u ahaa guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa maanta si ramsi ah loogu doortay Guddoomiye, halka Guddoomiye ku xigeennada loo kala doortay Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Sumaya Shoole, sidoo kale waxaa Xoghaye Guud noqday Cabdifitaax Sugulle.

Maxamed Siibed oo dhaliila siyaasadda Puntland ayaa noqonaya xildhibaanka kaliya oo kamid noqda guddoonka ururada mucaaradka.

Maxamed Ismaacil Siibed waa qoraa iyo macallim, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland.

PUNTLAND POST