
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Salaaso ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland, oo ka qalin-jebiyay dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.
Munaasibad kooban, oo ay ku qalin-jebinayeen Cutubyadaas, oo ka kala socday ciidamada Booliska, Laanta socdaalka, madaxtooyada Somaliland iyo qaybaha kale ee Ciidamada Somaliland, ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka degaanka Mandheera ee Lixle.
Madaxweynaha Somaliland, waxaa Munaasabadda kala qayb-galay Taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta dugsiga Tababarka Mandheera ee Lixle.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa bogaadiyay ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxana uu kula dardaarmay in ay gutaan waaajibaadka ka saaran Amniga iyo Difaaca Somaliland.







PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.