Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Aw Cali.
Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilki looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Aw Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday.
Sababta xilka looga qaaday guddoomiye C/raxmaan Ow Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir.
PUNTLAND POST