Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Malayshiyaadka Daacish ayaa Maanta oo Talaado ah ka dhacay nawaaxiga Tuulada Timirshe oo hoos timaadda Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari.
Dadka Degaanka ayaa ku soo warramay in gelinkii hore ee Maanta duqayn laga maqlay tog ku yaalla nawaaxiga Timirshe oo ay ku dhuumaalaystan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale duqayntaasi kadib weerar ku qaaday Malayshiyaadkii ku dhuumanayay Togga waxaana labada dhinac dhex maray dagaal xooggan inkastoo aan weli xog laga helin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo warbaahinta Puntland Post xiriir la samaysay si ay wax uga weydiiso Khasaaraha Dagaalka ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah bixiyaan.
PUNTLAND POST