Colaad beeleed ka jirtay Degaanka Horufadhi oo Heshiis laga gaaray

Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Gobolka Cayn ee Puntland waxaa Shalay Heshiis Nabadeed ku gaaray laba beelood oo horay ugu dagaallamay Degaanka.

Guddi isimo iyo Waxgarad ah oo uu hoggaaminayo  Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmihii u dambeeyay ku hawllanaa Nabadaynta labada beelood ayaa ugu dambayntii ku guulaystay Hawshaasi.

Qodobada Heshiiska waxaa kamid ah in Xabad-joojin la hirgeliyo islamarkaana gudaha Degaanka Horufadhi ay ka caaggan yihiin Ciidamo urursan oo ka tirsan labada beelood si aysan mar kale u soo noqon colaaddii laga heshiiyay.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in Guddi Nabadgelyo oo la socda dhaqdhaqaaqa labada beelood laga sameeyo Degaanka Horufadhi kuwaas oo Ganaax ku rida cid kasta oo jebisa Heshiiskaas.

Dhinaca kale waxaa lagu ballamay in Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool lagu qabto Shir kale oo lagu dhammaystirayo Heshiiska ay wada gaareen labada beelood.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST