Wareegga labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowladda Puntland ayaa haatan soo dhammaaday.
Wareeggan waxaa ku tartamayay wasiirkii Hore ee Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali iyo Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min waxaana labada musharraxba heleen codod is le’eg 31 Cod midkiiba.
Waxaa hadda loo gudbayaa Wareegga Saddexaad ee Doorashada si loo kala saaro Labada Musharrax oo isu soo haray maadaama ay codod is le’eg haystaan.
Puntland Post kala soco Natiijada Doorashada