Jebiye oo loo doortay Guddoomiye urur siyaasadeed

Maxamuud khaliif Xasan oo loo garan ogyahay Jebiye ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland.

Jebiye oo ka mid ahaa musharaxiintii si aadka ah u ololeeyay doorashadii madaxtinimada Puntland 2019, ayaa isagoo ku maqan dalka dibadiisa loo doortay Gudddomiyaha urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Sinnaanta, sidoo kale waxaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo kan labaad loo kala doortay Cismaan Cabdi Shabeel iyo Cabdirasaaq Xareed Ismaaciil, halka Xoghayaha Guud ee ururkaas loo doortay Cabdishukri Cabdullaahi Madadaal.

Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka socday shirweynaha ururada siyaasadda Puntland oo kamid ah shuruudaha ururada laga rabo.

22-ka bishan July ayay ku egtahay xiliga Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland uu u qabtay inay shirweynahooda ku qabsadaan ururada sida ku KMG ah loo aqoonsaday.

PUNTLAND POST