Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe waxa haatan ka socota Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Doorashada waxa ku tartamaya saddex Musharrax oo kala ah Wasiirkii Hore ee Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min iyo sidoo kale Faysal Mahdi Cali.
Fadhiga Golaha waxaa Maanta xaadir ah 62 mudane kuwaas oo cod qarsoodiya ku kala dooranaya saddexda Musharrax ee u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Halkaan hoose ka eeg Sawirada









PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.