Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo ka furmay Caasimadda Garoowe

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa Maanta oo Sabtiya si rasmiya uga furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirweynaha waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo labadiisa ku xigeen, Guddoonka ku meel gaarka ah ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Mas’uuliyiin ka socday Golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland, Ergooyin ka tirsan KAAH oo isaga yimid dhammaan Sagaalka Gobol ee Puntland, Siyaasiyiin, Culimaa’uddiin, Aqoonyahanno, Ganacsato, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo dadweyne fara badan oo taageerayaal u ah Urur Siyaasadeedka KAAH.

Ugu horrayn, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ahna Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley), oo Munaasabadda hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka KAAH ay wada leeyihiin dhammaan Muwaadiniinta Reer Puntland, islamarkaana uu weli u furanyahay muwaaddin kasta oo Puntland ah in uu ku soo biiri karo.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka KAAH Xil. Fu’aad Abshir Axmed, oo isna ka warbixiyay Hawlaha u qabsoomay Ururka, ayaa sheegay in  ay Xarumo ka furteen dhammaan Sagaalka Gobol ee Puntland sidoo kale Ururka mudadii uu jiray ay iska diiwaan-geliyeen kumanaan kamid ah Muwaadiniinta Puntland.

Mudane Fu’aad Abhsir, wuxuu intaasi raaciyay in Ajandaha iyo hawlaha horyaalla Shirweynaha Ururka ay Maalinta berriya bilaaban doonaan, balse Maanta uu furitaan keliya ahaa, isagoo xusay in Shirweynahan gudihiisa lagu dooran doono Hoggaanka Sare ee Ururka sidoo kalena lagu dejin doono Xeerarka iyo Shuruucda ka dhimman.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Labadiisa Guddoomiye ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame iyo sidoo kale dhammaan ka qayb-galayaashii Shirweynaha, ayaa si isku mid ah u bogaadiyay Hawlaha u qabsoomay Urur Siyaasadeedka KAAH oo uu kamid yahay Shirweynaha Ururka ee Maanta furmay.

Halkaan ka eeg Sawirada Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH

PUNTLAND POST