Madaxweyne Farmaajo oo ka degay Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo oo wafdi uu hoggaamniyo ayaa galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo ku xigeennadiisa, xubno ka tirsan goleyaasha heer Federaal iyo heer dowlad foboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirka wadatshiga dowlad goboleedyada iyo Federaalka oo maalmaha soo socda ka furmaya Dhuusamreeb, kaas oo looga hadli doono hannaanka geeddi socodka siyaasadda dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb inuu kulamo gaargaar ah la qaadan doono madaxda heer dowlad goboleed, waxgaradka degaanka iyo bulshada rayidka ah.

PUNTLAND POST