Urur Siyaasadeedka Dowladda Puntland ee KAAH, oo ku gudaha jira Shirweynihiisa kowaad, ayaa Galabta si rasmiya u doortay Guddoomiyaha Ururka iyo labadiisa ku xigeen.
Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa Guddoomiyaha Rasmiga ah u doortay Maddaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa isna loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
PUNTLAND POST