Marxuum Xassan Abshir oo Garoowe Aas Qaran loogu sameeyay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Marxuum Xassan Abshir Faarax, ayaa Maanta Aas Qaran loogu samaynaya Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Aaska Qaran, waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , Guddoomiyaha Aqalka Saree e Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi, Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, xubno ka tirsan Golayaasha Puntland iyo heer Federaal, dhammaan Isimada waaweyn ee Puntland oo Aaskiisa u yimid Garoowe iyo dad weyne kala duwan.

Maydka Marxuumka ayaa ka hor intaan Garoowe la keenin, waxaa Salaad Janaaso lagu tukaday Magaalada Muqdisho, waxaana Saaladda Janaasada ku tukaday Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka eeg Sawirada

PUNTLAND POST