Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaaddii janaasada Marxuum Xasan Abshir

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga qaybgalay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii hore  Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda Federaalka ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kadib, meydka marxuum Xasan ayaa loo qaaday magaalada Garowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, madaxda dowlad goboleedyada, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

Marxuum Xasan Abshir ayaa lagu aasayaa beer ku taalla duleedka berri ee magalaada Garowe.

PUNTLAND POST