Xildhibaano tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulankaan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah mid xildhibaanadu ay ka dalbadeen madaxweynaha waxaana si gaar ah looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo sida loo maareynayo,iyo sidoo kale Arrimaha Doorashooyinka soo socda.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka qeybgalay kulankaas, lana hadlay warbaahinta, waxa ay sheegeen in uu ahaa mid ay uga tashanayeen sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana qof iyo cod ah, maadaama ay Golaha shacabku ansixiyeen sharciga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliyana uu saxiixo.
Kulanka Xildhibaanadaas ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalku Shir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ay ku sheegeen in aysan Dalka ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah.
PUNTLAND POST