Xarunta Cilaajka Towxiid, oo lagu Qur’aan saari doono Muslimiinta xanuunsan, waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka hirgeliyey Shiikh Cabdul Xaq Xassan Macallin oo loo yaqaano Rusheeye.
Munaasabaddaa lagu daah-furayey xaruntaan, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal,Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Puntland,Ganacsade jaamac Dhagadheere iyo dadweyne kala duwan.
Shiikh Cabdul Xaq Xassan Macallin Maxamuud, oo furay xaruntaan cusub ee Ruqyada Towxiid,a ayaa sheegay in uu ku Qur’aan saari doono muslimiinta xanuunsan,isagoo xusay inay tahay xaruntii labaad ee shiikhu ka furo Degaannada Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cawil Axmed Jabuuti iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Puntland Ismaaciil Xaaji Cabdi, oo ka qayb-galay Munsaasabadda, ayaa dhankooda si weyn u soo dhoweeyey xarunta Cilaajka Towxiid, ee uu Magaalada Garoowe ka hirgeliyey Shiikh Cabdul Xaq.
Shiikh Cabdulxaq, wuxuu kamid yahay Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed ee Dadka xanuunsan ku daweeya Qur’aanka Kariimka ah iyo Ruqyad Sharciga ah, waxaana Qur’aan saarkiisa ku caafimaaday boqollaal ruux.
Hoos ka eeg Sawirada Munaasabadda














PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.