Madaxweyne Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Saaka Garoowe ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Hoos ka eeg Sawirada

PUNTLAND POST