
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan Garoowe ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Madaxweynaha Jubaland, waxa uu ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Maanta Garoowe loogu samaynayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland, Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.
Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.