Guddoomiye Mursal: Ma aqbalayno doorasho dadban

Guddoomiyaha Aqalka Hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid baaqii madaxd goboleedyada dalka ee ahaa in xiligaan doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin, loona baahan yahay in la aado doorasho dadban.

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbalayn doorasho dadban oo dalka ka dhacda 2020/2021, sidoo kale xusay in dowlad goboleedyadu aysan la hayn go’aanka doorashada.

“Ma aqbalayno doorasho dadban, iyadoo aan ansaxinay sharcigii doorashooyinka dalka, meel ay ku qoran tahay ma jirto in xiligan la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka, malahan dowlad goboleedyadu” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay safarka Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad uu shalay ku tegay Dhuusamareeb, wuxuuna tilmaamay uusan u tegin matalaad uu matalayo Golaha Shacabka, balse u iskiis ku aaday halkaas.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isagoo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda waa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Hadalka Guddoomiye Mursal ayaa uu kusoo aadaya, iyadoo madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada dhawaan shir ku yeelan doonaan Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo qaabka doorasho ee 2021/2020.

PUNTLAND POST