Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Talaado ah muddeeyay Wakhtiga ay dhacayso Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Mudanayaasha Golaha Baarlamanka Puntland waxay go’aamiyeen in Axadda Todobaadka soo socda oo ku beegan 19-ja Juulaay 2020 ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Doorashada waxa ku tartamaya saddex Musharrax oo kala ah Faysal Mahdi Cali, Siciid Cabdi Mu’min iyo Maryan Axmed Cali kuwaas oo ay Liiskooda todobaad ka hor Golaha Wakiilada u soo gudbisay Xukuumadda Puntland.
Golaha Xukuumadda oo Dastuuriyan xaq u leh in ay soo xulaan Musharrixiinta u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ayaa Liiskaasi ku koobay in ay tartami karaan saddexdaas qof oo keliya.
Musharrixiinta ayaa loollan adag ugu jira sidii ay ku hanan lahaayeen Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha balse way kala fursad badan yihiin sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen.
Siciid Cabdi Mu’min oo loo yaqaan Siciid Cabdiyare ayaa sida la sheegayo ugu fursad badan Musharrixiinta waxaana loo saadaalinayaa in uu ku guulaysto Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuda Aadanaha Puntland.
Garyqaan Siciid oo muddooyinkii u dambeeyya olole xooggan ku jiray waxa uu durba galaan-gal hoose ku yeeshay Xildhibaannada Baarlamanka kuwaas oo badankoodu taageersan ololihiisa sida ay ogaatay Puntland Post.
Waxaase xusid mudan in mar kasta laga war sugayo Natiijada Rasmiga ah ee ka soo baxda Loolllanka Doorashada la shaaciyay in ay dhacayso 19-ka bishan Juulaay 2020.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.