Diyaarad ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad soo degaysay garoonka magaalada Beledweyne ay shil gashay.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay shilkaasi, hase yeshee warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in diyaaradda ay baalka ku dhufatay carro loogu talgalay dhismaha garoonka magaalada.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ka baxday dhabbaha kadibna uu dab qabsaday.

Saddex qof oo la socday diyaaradda ayaa la sheegay inay badbaadeen Diyaaraddan waxay ahayd nooca xamuulka qaada.

PUNTLAND POST