Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya Xassan Abshir Faarax, oo shalay ku geeriyooday Waddanka Turkiga.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa loogu tacsiyeeyay Dowladda iyo Shacabka Soomaaaliyeed ee uu ka geeriyooday Ex. Ra’iisul Wasaare Xassan Abshir Faarax.
UNSOM, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, marna soo noqday Madaxweynihii Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, oo isna shalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya.
Qaramada Midoobay, waxay tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka Puntland iyo Dhammaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.
PUNTLAND POST