Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa si diirran u soo dhoweeyay, Qodobadii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ee ku soo geba-gaboobay Magalaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayuu ku sheegay in uu si diirran u soo dhowaynayo Go’aannadii ka soo baxay Shirka, oo uu ku tilmaamay kuwa guul hordhac ah u noqon kara Heshiis wadajir ah, oo ay gaaraan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
War-saxaafadeedka, ayuu sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug, kaalinta ay ka qaateen qabsoomidda Shirka iyo sida ay ugu qanciyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada kale, in ay ka soo qayb-galaan Shirkaasi.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in Nuxurka ka soo baxay Shirkaas uu horseed u noqdo, Heshiis wadajir ah oo Dalka lagu badbaadiyo, kaasi oo keena Nabad, Xasilooni iyo Hormar.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.