Garowe: Maxaabiis la dhaawacay

Askari ka tirsan Booliska Puntland ayaa maanta galinkii dambe oo Isniin ahayd dhaawacay labo maxbuus oo ku xirnaa saldhiga bartamaha magaalada Garowe.

Labo wiil oo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa maxaabiis ku xirnaa qol sheelo ah ayaa indhaha dhaawac ka gaaray, markii askari ka tirsan ilaalada saldhiga uu xabad uga dusiyay albaabka oo ay taagnaayeen, kadib hadalo ay isdhaafsadeen.

Labada maxbuus oo indha firirkii xabadu ka gashay ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, iyadoo markii dambe mid ka mid ah loo qaaday Isbitaalka Indhaha ee Dr. Cabdicasiis.

Tacadiyada loo geysto maxaabiista ayaa ahayd mid horey uga jirtay Puntland, balse waxaa ugub ah in rasaas nool loo adeegsato.

Askarta ka howlgasha saldhigyada Puntland ayaa ah kuwa aan u tababarnayn sida loola dhaqmo maxaabiista iyo dadweynaha ay u adeegayaan.

PUNTLAND POST