Dowladda Soomaaliya oo go’aamisay in Saddex maalin Calanka hoos loo dhigo

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen Guddiga qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Shirka ay isugu yimaadeen Guddigu heer Federaal ayey uga hadleen keenista meydka iyo aaska qaran ee lagu maamuusayo Marxuum Xasan Abdhir.

Dowladda ayaa go’aamisay in mudda saddax maalin ah calanka hoos loo dhigo si loogu baroor diiqo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasn Abshir Faarax oo qeyb muhiim ah ka qaatay dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

Guddiga qabanqaabada yaa sheegay in meyska marxuumka uu dalka iman doono berri ama saadambe, lagu aasi doono Garowe.

PUNTLAND POST