Somaliland: Heshiis laga gaaray habka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada

Xisbiyada Somaliland ayaa maanta oo Axad ah heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiillada.

Saddexda Xisbi ee Somaliland, Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa ku heshiiyey in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dhacaya sanadkan 2020, lagu galo nidaamkii 2005.

Sidoo kale xisbiyada Somaliland ayaa ku heshiiyay in guddigii doorashadii hore ay la-taliyeyaal farsamo u noqdaan Guddiga cusub.

Heshiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland iyo Guddiga doorashooyinkaas ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku muran sanaa xisbiyada Somaliland.

Hoos ka akhriso heshiiska saddexda xisbi

PUNTLAND POST