Ra’iisul Wasaare hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban

Allaha u naxariistee Ra’iusul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xasan Abshir Faarax ayaa muddooyin dambe ku xanuun sanaa dalka dibadiisa, wuxuuna geeriyooday isagoo 75 sano jir ah.

Geerida Xasan Abshir waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Taariikh nololeedkiisa oo kooban

Marxuum Xasan Abshir Faarax wuxuu ahaa rugcadaa siyaasadeed oo kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha iyo taabbo-gelinta dowlanimada Soomaaliya, isagoona manaasib kala duwan kasoo qabtay Dalka.

Xasan Abshir wuxuu 1945-kii ku dhashay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, noloshiisii hore badi wuxuu ku qaatay Muqdisho, halkaas oo uga dambeyn uga baxay waxbarashadiisa Dugsiga Sare 1965-kii.

Xasan waxa uu dhameystay waxbarashadiisa kale ilaa midda jaamacadda intii u dhaxeysay 1965-1986.

69-1969 wuxuu ahaa Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya

1973-1982 wuxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir.

1982-1987 wuxuu ahaa Duqa Muqdisho

1988-1989 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe.

1989-1990 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool

1990-1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Japan

1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Germany

1999-2000 wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

2001-2003 wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya

2004-2006 wuxuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya.

2001- 2015 wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST