Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Kulamo gaar gaar ah uga socdaan Dhuusamareeb

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka, oo Shalay Shirku uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa xalay yeeshay Kulamo gaar-gaar ah oo Warbaahintu dibad-joog ka ahayd.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa kulamadooda gaar-gaarka ah ee Xalay uga arriinsanayey Arrimaha Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya iyo Marxaladda Kala guurka ee Dalka.

Sidoo kale, Shirarka Madaxda waxaa bar-bar socday Kulamo kale oo ay yeelanayaan Guddiyo farsamo oo kala matalaya dhinacyada Shirka fadhiya sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah.

Kulamada Shirka ayaa weli sii socda waxaana la filayaa in geba-gabada wixii dhinacyadu isku raacaan war-martiyeed ay ka soo saari doonaan maalmaha soo aaddan.

PUNTLAND POST