Khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka ka dhacay Gaalkacyo

Inta la xaqiijiyay, hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyooday lix kalena waa ku dhaawacmeen, dagaal xooggan oo saaka dib uga qarxay suuqa dhanka waqooyi ee Gagaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa daba socda iska hor-imaad xalay dhexmaray ciidamada Amniga Puntland oo hawlgal ku jiray iyo Koox ka ganacsatada Khamriga, iyadoo iska hor-imaadkii xalay laba ruux ku geeriyoodeen saddex kalena ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa ka bilowday weerar ay saaka Malayshiyaad hubaysan oo hab qabiil u abaabulan ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Puntland oo ku taalla suuqa dhanka waqooyi ee Gaalkacyo, halkaas oo dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Amniga Puntland.

Inkastoo haatan uu Dagaalka istaagay, haddana weli xog sugan lagama hayo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaas, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan guryo iyo xaruma ganacsi oo gubtay.

PUNTLAND POST