
Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo hay’adda Urur-KAAB oo uu taageerayo Midowga Yurub, ayaa wacyi-geli ku saabsan Xanuunka COVID-19 ka bilaabay Magaalada Garoowe iyo Xeryaha Barakacayaasha ee ku xeeran.
Wacyi-gelinta ayaa la xiriirtay siyaabaha looga hortago Xanuunka COVID-19, Calaamadaha lagu garto iyo haddii qof isku arko in uu la xiriiro xarumaha La-tacaalidda Xanuunka Coronavirus-ka ee Wasaaradda Caafimaadka.
Cudurka COVID-19 oo dad badani Dunida ugu dhinteen, wuxuu leeyahay Wacyi-gelin iyo ka hortag, balse wax daawayn ah ma leh.
Waxaa aad la isula qiray sida ay u nool yihiin Dadka Barakacayaasha, Biya yaraanta haysata iyo sid ay tahay in ay u raacaan Talooyinka ay bixinayaan Dhaqaatiirta Caafimaadka ee ku saabsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Geba-gabadii, Dhammaan Dadweynaha ayaa ka mahadceliyay Wacyi-gelinta loo sameeyay, si ay uga gaashaantan Xanuunkaas Coronavirus-ka.
Halkaan ka eeg Sawirada






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.