Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Degaanka Jawiil.
Madaxweynaha iyo Odoyaasha ayaa ka wada-hadlay dar-dar gelinta arrimaha Dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan iyo in odayaashu ay ka shaqeeyaan xoojinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.
Odayaasha iyo waxgaradka degaanka Jawiil ayaa dhankooda uga xog waramay Madaxweynaha xaalada nololeed ee shacabka ku nool Degaanka Jawiil iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in laga hirgeliyo deegaankaasi mashaariic horumarineed.
Madaxweyne Waare ayaa isna u sheegay Odayaasha in uu fulin doono codsigooda islamarkaana xukuumaddiisu ay Degaanka Jawiil ka hirgelin doonto Mashaariic kala duwan.
PUNTLAND POST