Galmudug oo beenisay warar laga faafiyay iyo wararkii ugu dambeeyay ee shirka Dhuusamareeb

Galmudug ayaa ka hadashay warar laga faafiyay ciidamada Booliska gaar ah Federaalka (Haramcad) ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta Shabeelle ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in ciidamada Haramcad ee jooga Dhuusamareeb loo daadguraynayo Muqdisho, kadib markii ay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubblanad ay walaac ka muujiyeen.

Wasiir Falagle ayaa xusay in aysan jirin sabab ciidamada Haramcad looga saaro Dhuusamareeb, wuxuuna wararkaas ku tilmaamay dacaayad qaawan oo la rabo in lagu khalkhalgaliyo shirka iyo qorshaha ka socda Dhuusamareeb.

Codka Wasiirka Warfaafinta Galmudug

Dhanka kale magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa laga dareemayaa u diyaar-garowga shirka dowlad gobaleedyada oo Khamiista berriya ka furmaya halkaas.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa maanta ka degtay diyaarad siday ilaa afar gaari oo ah nooca aan xabadu karin (Bullet-Proof), kuwaas oo loogu talagay madaxda ka qeybgalaysa shirka.

Dowlad goboleedyada qaar ayaa ciidamo u diray Dhuusamareeb, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa shaacisay in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay safar dhulka ah ugu baxeen Dhuusamareeb, kuwaas oo hordhac u ah Madaxweyne Deni.

Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa dhici karta in ay galabta ka degaan Dhuusamareeb, balse intooda badan ayaa berri ku wajan.

PUNTLAND POST