Ciidamo Boolis ah oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa sida la aaminsan yahay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ay ku dhinteen labo askari, sidoo kale ay ku dhaawacmeen seddex qof oo dad shacab ah ay ku jiraan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u gurmaday ciidamada qaraxa lala eegtay, waxayna joojiyeen isku socodka dadka iyo gadiidka, inkastoo muddo yar kadib ay fasaxeen.

Sawir laga soo qaaday gaariga qaraxa lala eegtay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay gaariga astaanta ciidamada Booliska Soomaaliya iyo qeyb kamid ah oo burburay.

Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa, inkastoo Al-shabaab ay fuliyaan weerarada noocaan ah.

PUNTLAND POST