Maxamed Yuusuf oo laga hor istaagay in uu mar kale isu sharraxo Xafiiska Xaquuqul-Insaanka Puntland

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan Kalfadhigaan dhexdiisa dooranaya Guddoomiyaha Cusub ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo shanti sannadood-ba mar la doorto.

Guddoomiyaha haatan xilkaasi haya, Maxamed Yuusuf Cali oo dadaal xooggan ugu jiray in uu mar kale soo noqdo ayaa candhuuftiisa dib u liqay, kadib markii uu loollan adag kala kulmay Madaxtooyada Puntland.

Golaha Xukuumadda Puntland, oo sida Dastuuriga ah  soo gudbiya Liiska Musharrixiinta u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa Liiskaasi ka reebay Guddoomiyaha haatan Maxamed Yuusuf Cali.

Sababta Liiska looga reebay, ayaa la sheegaya in ay la xiriirto, kadib markii Xukuumaddu dhibsatay warbixino ku saabsan Tacaddiyada ka dhaca gudaha Puntland oo xafiiskiisa ka soo baxay.

Xukuumaddu waxay soo gudbisay saddex musharrax oo kala ah; Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali oo ka soo jeeda Gobolka Sool, Avv. Siciid Cabdi Mu’min (Siciid CabdiYare) oo ay isku Beel yihiin Maxamed Yuusuf Cali iyo sidoo kale Faysal Mahdi oo isna ka soo jeeda Gobolka Sanaag.

Saddexda Musharrax, waxa mid  kasta olole iyo loollan ugu jiraa, sidii uu kursiga ku hanan lahaa, inkastoo aysan weli caddayn Musharraxa Xukuumadda Puntland riixayso, in loo doorto Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

PUNTLAND POST