Madaxweyne Deni oo amray in aan wax Degaamayn cusub ah laga samayn karin gudaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray ku joojiyay Dhisidda iyo Degaamaynta dhammaan dhul-daaqsimeedka ku yaalla degaannada Puntland.

Wareegtada waxaa lagu amray saddexda Wasaaradood ee Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Amniga, oo ay weheliyaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta, in ay joojiyaan Dhisidda iyo Degaamaynta Dhul-daaqsimeedka gudaha Puntland.

Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa, laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020, in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta Dhul-daaqsimeedka Degaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Wareegtada waxaa sidoo kale lagu xusay, in Dowladda Puntland ay soo saari doonto Habraac iyo Shuruuc gaar ah oo loo maro, marka la doonayo in Dhul cusub la Degaameeyo “Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.”

PUNTLAND POST