Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa War-murtiyeed ay soo saareen Maanta oo Isniin ah si rasmiya ugu shaaciyay, in ay Shir deg deg ah isu’gu imaan doonaan Khamiista todobaadkan.
Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo soo saaray War-murtiyeedka, ayaa sheegay in ay isla garteen in Shir deg deg ah ay isu’gu yimaadaan 9-ka bishaan July ee ku beegan Khamiista, Shirkaas oo ka qabsoomi doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Shirka, waxay sheegeen in ay uga tashanayaan Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka, gaar ahaanna Doorashooyinka soo socda iyo sidii ay Shir guud isu’gu imaan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada wakhtiga ugu dhow.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.