Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Shir gaar ah ka yeelanaya Xaaladda Dalka

Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, oo Xalay kulan ku yeeshay Khadka Taleefonka, ayaa ku ballamay in ay Shir u gaar ah isu’gu yimaadaan, kadib markii uu fashilmay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee Amniga Qaranka.

Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa isla go’aamiyay in Shirka uu marti-geliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, islamarkaana lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ajandaha ugu muhiimsan Shirka, waxa lagu sheegay Arrimaha Doorashooyinka dalka, Amniga iyo La-dagaallanka Al-shabaab, Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo Dhammeystirka dib u eegista Dastuur dalka.

Shirkaas ayaa la filayaa, in Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay ugu dambayn ka soo saaraan war-murtiyeed ay heshiis ku yihiin, kaas oo ku wajahan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

PUNTLAND POST