Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo lagu af-duubtay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jowhar

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Saaka oo Axad ah lagu af-duubtay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar xilli uu ku sii jeeday dhinaca Muqdisho.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad  ayaa dableey hubaysan kala degtay gaari uu saarnaa oo ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar isagoo marayay nawaaxiga Degaanka Gololey ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Dableeyda hubaysan oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab ayaa xildhibaanka kala degay gaari nooca NOAH-da oo uu saarnaa balse waxay fasaxeen dhammaan Rakaabkii kale.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhankiisa wax war ah ka soo saarin af-duubka loo gaystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad.

PUNTLAND POST