Khayre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku maqnaa dalka Qadar ayaa maanta galinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ay waday diyaarad khaas ah waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdsiho ku soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre oo safar aan horay loo shaacin todobaadyo ugu maqnaa dalka Qadar, ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay ka hadlin safarkaas.

Khayre ayaa intii uu dalkaas joogay mar la shaaciyay inuu la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimadda dibadda Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Sidoo kale wuxuu booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar, isagoo kula kulmay madaxda Safaaradda.

PUNTLAND POST