Al-shabaab oo sheegtay in ay dileen Xildhibaankii la af-duubtay ee Hirshabeelle

War qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayay ku sheegteen in ay dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Al-shabaab ayaa qoraalkooda ku sheegay in Xildhibaanka kala degeen gaari uu ka soo raacay Jowhar kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho kadib weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen gaarigii uu saarnaa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa Qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyay Qoyska iyo Ehellada Xildhibaanka la dilay isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Maamulkaas in ay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab.

PUNTLAND POST